Thursday, August 27, 2026

Donald Trump Oo Amray In Dib Loo Dhigo Dhammaan Weerarrada Loo Wado Iiraan

Share

Washington, United States – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta uu Isniin ah sheegay in Mareykanku uu wadahadallo wanaagsan oo wax dhisaya leh la qaatay Iiraan , isagoo ku amri doona ciidamadiisa in ay dib u dhigaan dhamaan weerarada oo ka dhanka ah dhismooyinka korontada iyo kaabayaasha tamarta ee Iran muddo 5 maalmood ah.

Trump wuxuu ku sheegay qoraal uu ku daabacay baraha bulshada in wadahadallada Iiraan ay socon doonaan usbuucaan oo dhan,wuxuu qoray: “Waxaan amar ku siiyay Wasaaradda Dagaalka in ay dib u dhigaan dhammaan weerarrada ciidan ee ka dhanka ah dhismooyinka korontada iyo kaabayaasha tamarta ee Iiraan muddo shan maalmood ah, arrintuna waxay ku xiran tahay guusha shirarka iyo wadahadallada socda.”

Tallaabada lama filaanka ah ee Trump ayaa timid saacado ka hor dahmaadka muddada 48-da saacadood oo uu ku hanjabay inuu weerari doono dhismooyinka tamarta ee Iiraan isagoo ka bilaabaya kii ugu weyn haddii Tehran uu furin Marinka Hormuz oo soo fasixin dhamaan maraakiibta halkaas maraya.

Iiraan ayaa ka jawaabtay hanjabaadaha Trump iyagoo ku hanjabay inay “isku mid uga jawaabi doonaan,” waxayna ku hanjabeen inay weerari doonaan dhismooyinka korontada ee Israa’iil iyo kuwa u adeega saldhigyada Mareykanka ee gobolka Gacanka haddii Mareykanku weeraro shabakaddooda korontada.

Read more

Local News