Baydhabo, Soomaaliya – Khilaafka siyaasadeed ee udhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Konnfurgalbeed ayaa sii xoogeysanaya iyadoo midba midka kale uqaadaya talaabooyin saameynaya.
Maamulka Koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe, iyagoo ku eedeeyay faragelin ay sheegeen in lagu hayo arrimahooda gudaha. Go’aankan ayaa imanaya xilli eedeymo iyo hadalo kulul ay labada dhinac isdhaafsanayaan.
Madaxweynaha Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagereen ayaa shir jaraa’id oo uu kuqabtay magaaladda Baydhabo kaga hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Laftagareen ayaa carabka kudhuftay in dowladda federaalku kawado gudaha Koonfurgalbeed faragalin ayna ciidamo kudaabuleyso qaar kamid ah degmooyinka maamulkaas.
Hase yeeshee Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horaantii todobaadkaan warqad ay soo saartay kusheegtay inuu dhamaaday muddo xileedka maamulada degmooyinka Koonfurgalbeed.
Masuuliyiin xilal xildhibaano, wasiiro,safiiro iyo lataliyayaal ah kahaya dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale gaaray degmooyinka Buurhakaba iyo Waajid oo kawada tirsan gobolada Baay iyo Bakool.
Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan Wasiirudowlaha wasaarada arrimaha gudaha Saadaad Maxamed Caliyow iyo xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa kadagay degmadda Buurhakaba ee gobolka Baay iyagoo halkaas kajeediyay eedeymo kadhan ah maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Laftagreen.
Si lamid ah lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kadagay degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Isla todobaadkaan madaxweynaha Koonfurgalbeed ayaa soo saaray guddi sagaal xubnood kakooban kuwaas oo ah gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka maamulka Koonfurgalbeed.
Dowladda federaalka ayaa iyaduna dhankeeda ciidamo farabadan kudaabushay degmooyinka Waajid iyo Bakool ee gobolada Baay iyo Bakool, iyadoo maamulka Koonfurgalbeed warsaxaafadeed uu soo saaray kudhaliilay talaabada ay dowladda federaalku ciidamada ugu daabuleyso deegaanada Koonfurgalbeed.
Nabadoono xalay hadlay ayaa iyaguna labada dhinac; waa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfurgalbeed e ugu baaqay wadahadalo in xaalada laqaboojiyo.
Wasaaradda arrimaha gudaha Koonfurgalbeed ayaa soo saartay warqad ay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ugu magacaabeyso gudoomiyayaal iyadoo kajawaabeysa magacaabistii dowladda federaalka ee degmada Waajid.

Sikastaba ha ahaatee si dhab ah looma saadaalin karo halka ay kudambeyn doonto jihada siyaasada Koonfurgalbeed oo ay kuhardamayaan madaxweyne Laftagareen iyo dowladda federaalka Soomaaliya.