Geneva, Switzerland – Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey ayaa Arbacada maanta ah ka digay in colaadda sii xoogeysaneysa ee ku lug leh Iran ay halis u tahay inay isu beddesho qalalaase ballaaran, isagoo sheegay: “Dib uguma laaban karno in dagaalka loo adeegsado aalad lagu maareeyo xiriirka caalamiga ah”.
Farriin muuqaal ah oo u diray kulan degdeg ah oo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee ku saabsan dagaalka Iran Israil, iyo Mareykanka, ayuu Volker Turk ku sheegay in xaaladdu ay tahay “mid aad u khatar badan oo aan la saadaalin karin,” iyadoo dadka rayidka ahi yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameyneyso guud ahaan gobolka.
Isagoo tixraacaya duqeymaha ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran, iyo sidoo kale weerarrada ay Iran ku qaaday dalalka Khaliijka iyo Urdun, ayuu carrabka ku adkeeyay in weerarro badan oo ka mid ah colaaddan ay dhalinayaan walaac weyn oo dhinaca sharciga caalamiga ah, maadaama uu mamnuucayo bartilmaameedsiga rayidka iyo kaabeyaashooda, iyo sidoo kale weerarrada militari ee waxyeellada rayidka ay aad uga badan tahay faa’iidada militari.
Turk wuxuu sidoo kale ka digay cawaaqib ka gobolka ka dhalan kara, isagoo sheegay in colaaddan ay leedahay saameyn culus oo gaari karta dalal ay ka mid yihiin Iraq iyo Syria, iyo sidoo kale dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Wuxuu intaa ku daray in weerarro gantaallo ah oo dhowaan ka dhacay meel u dhow xarumaha nukliyeerka ee Isra’il iyo Iran ay muujinayaan khatar aad u weyn oo ku saabsan sii kicitaanka colaadda, isagoo ka digay in dowladuhu ay ku ciyaarayaan musiibo aan la xakameyn karin.
Sidoo kale, colaaddan ayaa carqaladeyneysa silsiladaha sahayda caalamiga ah, iyadoo maraakiibta mara Marinka Hormuz ay saameyn ku yeesheen, taas oo kordhin karta khataraha la xiriira cunada iyo tamar yaraanta dunida.
Sida uu sheegay madaxa xuquuqda aadanaha, weerarrada lagu qaado kaabeyaasha rayidka ah waxay dhalinayaan walaac weyn oo sharciyeed, isagoo xusay in weerarro ula kac ah oo lagu beegsado rayidka ay noqon karaan dambiyo dagaal.
“Colaaddan waxay leedahay awood aan horay loo arag oo ay ku soo jiidan karto dalal kala duwan oo caalamka ah,” ayuu yiri Turk, isagoo intaa raaciyay: “Habka kaliya ee lagu xaqiijin karo ka hortagga arrintan waa in la soo afjaro colaadda”.
Turk oo ku baaqaya in dowladuhu ilaaliyaan nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xeerarka, ayuu yiri: “Marka qaar kamid ah dowladaha awoodda leh ay isku dayaan inay wiiqaan nidaamka iskaashiga caalamiga ah, waxaa lagama maaarmaan ah in inta kale oo ah Inta badan ay u istaagaan difaaciisa”.
