Kyiv, Ukrain – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, isla markaana ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan amniga iyo difaaca ;abada dal.
Wakaaladda wararka ee Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga labada dhinac iyadoo la raacayo heshiiska dhaqaalaha ee u dhexeeya labada dhinac, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.
Waxay sidoo kale ka wada hadleen horumarka amniga iyo kor u kaca militariga ee gobolka iyo saameynta ay ku leeyihiin marinnada caalamiga ah iyo dhaqaalaha adduunka, WAM ayaa intaas ku dartay.
Zelenskiy ayaa Khamiistii gaaray Sacuudi Carabiya halkaas oo wasaaradda difaaca ee Sacuudigu ay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah la saxiixatay wasaaradda difaaca ee Ukraine.
Hoggaamiyaha Ukraine ayaa sidoo kale gaaray Qatar Sabtidii.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa Jimcihii sheegay in Kyiv ay ku dhowdahay inay heshiisyo amni oo dhowr ah la gasho dhowr dal oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta iyo Qatar, si looga hortago weerarrada Iran.
