Home Koonfur Galbeed Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo La Wareegay Magaalada Baydhabo

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo La Wareegay Magaalada Baydhabo

0

Baydhabo, Soomaaliya – Warar rasmi ah ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo, kaddib dagaallo culus oo ay la galeen ciidamadii maamulka Koonfur galbeed. Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid qorsheysan oo si degdeg ah u hirgalay, taasoo keentay in ciidankii maamulka Koonfur galbeed laga itaal roonaado.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen inta badan xaafadaha iyo xarumaha muhiimka ah ee magaalada, iyagoo xaqiijiyay amniga guud ee Baydhabo. Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in dib loo furay wadada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Shacabka ku nool magaalada Baydhabo ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ciidanka Xoogga Soomaaliya, iyagoo muujiyay taageero iyo rajo cusub oo ku aaddan amniga iyo xasilloonida magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira goobo muhiim ah oo weli aan si buuxda gacanta ugu gelin ciidamada dowladda, Madaxtooyadda iyo garoonka diyaaradaha ayaa lagu warramayaa inay weli ku sugan yihiin gacanta Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Ciidanka Xoogga Soomaaliya ay haatan sugayaan amar rasmi ah oo ay ku galaan Madaxtooyadda, taasoo muujineysa in xaaladdu weli u baahan tahay go’aan siyaasadeed iyo mid ciidan.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay gudaha Madaxtooyadda Baydhabo, halkaas oo uu ka socdo wadatashi u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada. Wadatashiyadan ayaa diiradda saaraya sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xaaladda taagan iyo mustaqbalka maamulka magaalada.

Isbedelkan cusub ee ka dhacay Baydhabo ayaa saameyn weyn ku yeelan kara siyaasadda iyo amniga guud ee gobolka Koonfur galbeed.

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version