Home Gudaha Masuuliyiin Utaagan Xilka Madaxweynaha Koonfurgalbeed Oo Gaaray Baydhabo

Masuuliyiin Utaagan Xilka Madaxweynaha Koonfurgalbeed Oo Gaaray Baydhabo

0

Baydhabo, Soomaaliya – Wufuud ay hogaaminayaan madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed, iyo wasiirkii hore ee wasaarada maaliyadda Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Aadan Farkeeti ayaa maanta kadagay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaaladda Baydhabo.

Labadan masuul ayaa kamid ah tiro masuuliyiin kasoojeeda deegaanada Koonfurgalbeed oo maamulkii meesha laga saaray uu udiidanaa inay tagaan.

magaaladda Baydhabo oo ay kusuganyihiin badi masuuliyiinta ugu sareysa dowladda Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, iyo qaar kamid ah xildhibaanada federaalka iyo golaha wasiirada ayaa looga arrinsanayaa sidii koo wajihi lahaa dhismaha maamulka Koonfurgalbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dabayaaqada todobaadkii hore umagacowday hogaamiye xil gaarsiin ah ra’iisulwasaare xigeenkii xukuumadda Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Magaaladda Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Koonfurgalbeed ayaa haatan looga arrinsanayaa dhismaha maamulka iyo nuuca doorasho ee laga qabanayo iyadoo dowladda federaalku horay usheegtay in deegaanadda Koonfurgalbeed laga hirgalinayo nidaamka doorasho ee Qof iyo Cod ka ah.

Shariif Xasan iyo Maxamed Farkeeti ayaa iyagu kamid ah xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo ay xusid mudantahay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu horay heshiis ulagalay madaxweyne Xasan Sheekh, halka Maxamed Aadan Farkeeti uu isagu waqti xaadirkan kamid yahay Golaha Mustaqbalka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version