Baydhabo, Somalia – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tegay xarun tababar oo ku taalla magaalada Baydhabo, taas oo loo dhisay ciidamada iyadoo ay taageero ka geysatay dowladda UK.
Booqashada ayaa qayb ka ahayd dadaallada lagu hubinayo tayada iyo horumarka tababarka ciidamada, iyadoo mas’uuliyiintu ay si dhow u kormeereen qeybaha kala duwan ee xarunta.
Saraakiisha halkaasi joogtay ayaa warbixin ka bixiyay habsami u socodka tababarka, agabka la adeegsanayo iyo qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda ciidamada,
Mas’uuliyiinta ayaa xusay in dib u howlgelinta iyo joogteynta tababarrada noocan ah ay muhiim u yihiin dhismaha ciidan leh xirfad sare oo ka jawaabi kara baahiyaha amni ee dalka, waxay tilmaameen in tababarradu ay door muhiim ah ka qaadanayaan diyaarinta cutubyo si buuxda uga qeyb qaata howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee AS iyo sugidda xasilloonida.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku bogaadiyay dowladda UK doorka muuqda ee ay ka qaadanayso taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska iyo horumarinta ciidamada. Wuxuu xusay in xarumaha casriga ah ee noocan ah ay sare u qaadaan tayada iyo awoodda ciidanka, isla markaana ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyo waarta.
Wasiirka ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada ku sugan Baydhabo, waxayna sidoo kale si toos ah ula hadlay askarta, kuna bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, gaar ahaan Hawlgallada furitaanka waddada istaraatiijiga ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo muhiim u ah isku socodka shacabka iyo ganacsiga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhankiisa kula dardaarmay ciidamada tababarka ku jira inay muujiyaan karti, dulqaad iyo anshax wanaagsan, si ay u noqdaan kuwo si hufan u gutta waajibaadkooda qaran, wuxuu carrabka ku adkeeyay in tayada ciidanku ay ku xirnaan doonto heerka ay ka faa’iideystaan tababarrada ay helayaan, Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso horumarinta hay’adaha amniga, iyadoo la doonayo in la helo ciidan awood u leh difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka.