Wednesday, April 29, 2026

Munaasabadda Soo Dhaweynta Markabka Cagri Bey Oo Kasocota Muqdisho, Iyadoo Masuuliyiinta Ugu Sareysa Dalka Ay Kaqeybgalayaan

Share

Muqdisho, Soomaaliya Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo Markab dhawaan shidaal kaqodi doono gobolada dhexe ee Soomaaliya oo kasocoto magaaladda Muqdisho.

Markabka Shidaalka qoda ee Cagri Bey ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maalinimadii Arbacada todobaadkaan soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Markabkaan ayaa soo saari doono shidaalka ceegaaga xeebaha deegaanada Galmudug gaar ahaan sida xogohu tilmaamayaan ceelal kuyaala aaga degmooyinka Ceel Dheer iyo Xarardheere ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada qaranka ku qaabilay wafti kasocday dalka Turkiga oo uu hogaaminayay wasiirka tamarta dalkaas Alparslan Bayraktar. Masuuliyiin kala gadisan oo kasocda dowladda federaalka oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamse Cabdi Barre, iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kusugan dekada Muqdisho oo ay kasocoto munaasabadda soo dhaweynta markabka.

Dabayaaqada bishii October sanadkii 2024 ka markabka Uruc Reis ayaa sahmin shidaal kasameeyay saddex ceel shidaal oo kulaala xeebaha Soomaaliya. Wasiirka Tamarta Turkiga Alpersan Bayraktar ayaa xusay in waa cusub ubilowday shirkada sahminta shidaalka Turkiga isla markaana ceelka shidaal ee laqorsheeyay in laqodo cabir ahaan uu gaari doono 7,500 oo mitir oo dhirir ah taasoo kadhigeysa mid kamid ah howlaha qodista ee ugu qotoda dheer.

Si lamid ah wasiirka macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay inay Soomaaliya maanta utahay maalin taariikhi ah, rajo cusub iyo talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday. Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo kalmado kooban kajeediyay munaasabadda soo dhaweynta markabka Cagri Bey ayaa sheegay “in guulaha uu dalkeennu gaaray ay ku yimaadeen dadaalka shacabka iyo dowladda oo gacmaha is haysta ayna is daba socon doonaan isaga oo xusay in Dowladda Soomaaliya ay dhowaan xaqiijin doonto isku filnaansho dhaqaale lagana maarni doono kaalmo shisheeye”.

Dhankiisa madaxweynaha sheegay “In dowladda federaalka ah ay ka go’antahay in kheyraadka dalka loo maamulo si hufan oo daahfuran, heshiisyada lagalayna noqdaan kuwa ilaalinaya danaha qaranka”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay “in shidaalku yahay seef laba afle ah isla markaana uu deegaanka halenkaro, keenina karo amni darro hse yeeshee ay dowladda Soomaaliya kasii gaashaamatay, kheyraadka dalkuna aysan noqon doonin kuwa dadkeena isku dira, se uu noqon doono mid dadkeena hormariya dowladnimadana kor uqaada ayuu noqon doonaa”.

Markabkaan Cagri Bay ayaa lagu wadaa inuu sii wato howsha soo saarista shidaalka ilaa iyo toban ka bilood ee nasoo aadan.

Soomaaliya ayaa in badan kutaameesay in lasoo saaro shidaalka iyo macdanaha kale ee dhex ceegaaga badda iyo bariga dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Read more

Local News