Home DIBADDA Natiijada Doorashada Madaxweynaha Jabuuti Oo La Shaaciyay

Natiijada Doorashada Madaxweynaha Jabuuti Oo La Shaaciyay

0

Djabuti, Djabouti – Doorashada madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalinimadii shalay kaqabsoontay gobolada dalkaas ayaa lshaaciyay natiijada codadka ay kala heleen labada murashax ee utartamay xilka madaxweynaha Jabuuti shanta sano ee socota.

Doorashada madaxtinimada Jabuuti oo ay utartameen laba murashax oo kala ah Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mohamed Faarax Samatar ayaa guushu raacday Ismaacii Cumar Geelle oo horay uhayay talada dalka Jabuuti 27 kii sano ee lasoo dhaafay, isagoo helay codad gaaray 97.8% codadkii ladhiibtay.

Ismaaciil Cumar Geelle oo 78 jir ah ayaana markiisii lixaad qabnaya hogaanka Jabuuti, iyadoo bishii October sanadkii lasoo dhaafay baarlamaanka Jabuuti uu Meesha kasaaray qodob xadidaya da’da madaxweynaha kaasoo dhigaya in qof kaweyn da’da 75 ka uusan noqon Karin madaxweyne.

Doorashada Jabuuti ayaa aheyd mid si weyn indha loogu hayay iyadoo kusoo xilli isbadalo siyaasadeed ay kadheceen dalalka Khaliijka oo daris kala ah gacanka cadmeed iyo badda cas.

Dhanka kale mucaaradka Jabuuti ee kasoo horjeeda doorashada ayaa iyagu ah dibad wareeg aan kusugneyn gudaha Jabuuti, iyadoo tan iyo 2016 kii jeedinayay eedo kadhan ah gudiga doorashooyinka oo ay kutilmaamayeen kuwa aan dhexdhexaad ka aheyn doorashooyinka ay qabanayaan.

Dalka Jabuuti ayaa saldhig u’ah quwadaha caalamka iyadoo ay xarumo ciidan kuleeyihiin dalalka Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Japan iyo Talayaaniga.

Dhanka kale Jabuuti ayaa unugul khataraha badda cas iyo gacanka cadmeed iyadoo Xuutiyiinta Yemen ay marwalba diraan hanjabaado ujeedadoodu tahay inay xirayaan marinka Baabul Mandab oo ah marin muhiim u’ah isku socodka ganacsiga caalamka dhanka  badaha.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version