Friday, August 28, 2026

Wadahadalada U Dhexeeya Mareykanka Iyo Iran Oo Goor Dhow Kafurmay Islamabad

Share

Islamabad, Pakistan – Wadahadalada tooska ah ee udhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa kafurmay goordhow magaaladda Islamabad ee dalka Pakistan tan iyo sanadkii 1979 kii.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in masuuliyiinta labada dal ee Iran iyo mareykanka ee kusugan Pakistan uu midba kulan laba geesood ah layeeshay ra’iisulwasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif.

Masuuliyiinta labada dal ee wadahadalada kaqeybgalaya ayaa waxaa kala hogaaminaya dhanka Mareykanka madaxweyne kuxigeenka DJ Vance, wakiilka madaxweyne Trump ee Bariga dhexe Steve Wittkof iyo wiilka uu sodogga uyahay madaxweyne Trump ee Jared Kushnar, dhanka Iran wadahadalada waxaa kumatalaya gudoomiyaha baarlamaanka Iran Muxamed Bager, iyo wasiirka arrimaha dibadda Abbas Araghchi.

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka iyo gudoomiyaha baarlamaanka Iran ayaa kulamo gaargaar la qaatay ra’iisulwasaaraha Pakistan iyadoo xafiiska Sharif uu sheegay in Islamabad ay rajeyneyso inay sii wado fududeynta wadahadalada labada dhinac.

Wadahadalada ayaa socda inkastoo Iran horay usheegtay inaysan wadahadala kaqeyb gali doonin inta Mareykanku uusan bixin balanqaad ku aadan inaan Lubnaan laweerari doonin isla markaasna lagu soo darin liiska xabadjoojinta, Mareykankuna uusan cunaqabateynta kaqaadin.

Israel iyo Mareykanka ayaa iyagu dhankooda sheegay in ololaha Lubnaan uusan qeyb ka aheyn xabbad joojinta Iran iyo Mareykanka.

Pakistan ayaa door laxaad leh kaqaadaneysa joojinta dagaalada Bariga dhexe, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Talaadada todobaadkii hore kudhawaaqay xabad joojin laba isbuuc ah.

Mareykanka iyo Israel oo is garabsanaya ayaa 28 kii February ee sanadkan weeraro gantaalo ah kuqaaday Iran, halkaasoo ay Iran qudheedu sameesay aargoosi kadhan ah weerarada Mareykanka iyo Israel isla markaana weeraro drone oo aan loo meel dayin kuqaaday dalal dhowr ah oo kuyaala Khaliijka oo ay kamid yihiin Imaaraatka Carabta, Sucuudiga, Qatar, iyo Baxreyn.

Dagaalada Bariga dhexe ka aloolsan ayaa sababay carqaladii ugu weyneed abid ee soo food saartay sahayda tamarta adduunka, kadib markii Iran xiratay marinka Hormuz oo muhiim u’ah isu socodka dhaqaalaha adduunka, marinkan ayaa waxaa kagudba 20% ganacsiga caalamka.

Read more

Local News