Friday, August 28, 2026

Wadahadalladii Nabadda ee Mareykanka Iyo Iiraan oo Natiijo La’aan Kusoo Dhamaaday

Share

Islamabad, Pakistan – Madaweyne ku xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa sheegay in wadahadallo nabadeed oo socday 21 saacadood oo dhex maray Mareykanka iyo Iiraan aysan lagu gaarin heshiis lagu soo afjaro dagaalka,Vance wuxuu xusay in xaaladda xabbad-joojinrta oo socotay muddo laba toddobaad ah ay hadda mugdi ku jirto, isla markaana aan la hubin in Donald Trump uu dib u bilaabi doono howlgallo militari oo waaweyn.

Warkan ayaa la shaaciyay xilli waaberigu ka soo baxayay Islamabad, Pakistan, kadib wadahadallo socday laga bilaabo duhurnimadii ilaa saacadaha hore ee waaberiga. Vance ayaa sheegay in wafdiga Mareykanka uu ku laabanayo dalkooda iyaga oo aan wax heshiis ah la gaarin, isagoo xusay in intii wadahadalladu socdeen ay dhowr jeer la hadleen madaxweynaha Mareykanka.

Vance ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo kooban in Iraan ay doorteen inaysan aqbalin shuruudaha mareykanka soo bandhigeen, isaga oo muujiyay niyad-jab ku aaddan fashilka wadahadallada, wuxuu sidoo kale sheegay in ay ku guuldarreysteen inay Iiraan ka helaan xaqiijin cad oo muujinaysa inaysan doonayn inay horumariso hub nukliyeer ah ama agab u sahli kara inay si degdeg ah u sameyso, taasoo uu ku tilmaamay hadaf muhiim u ah Madaxweyne Trump.

Dhinaca kale, Iiraan ayaa marar badan sheegtay inaysan qorsheynayn inay sameysato hub nukliyeer ah. Inkastoo aan weli jawaab rasmi ah laga helin wafdiga Iiraan, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in wadahadalladu burbureen sababo la xiriira dalabaad aan macquul ahayn oo uu soo bandhigay Mareykanka.

Arrin kale oo aan si toos ah uga hadlin Vance ayaa ah marinka muhiimka ah ee shidaalka ee Hormuz, kaas oo si weyn loo sheegay inuu ka mid ahaa qodobada ugu adag ee la isku mari waayay wadahadallada, Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa ku baaqay in labada dhinac ay sii wadaan ixtiraamka xabbad-joojintii hore loo gaaray, inkastoo labada dhinac ay horey isugu eedeeyeen jebinta heshiiskaas.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Mehr, wafdiga Iiraan ayaa ka baxay magaalada Islamabad kadib markii wadahadalladii nabadeed ay fashilmeen. Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli wafdiga Mareykanka, oo uu hoggaaminayay Madaweyne ku xigeenka JD Vance, ay iyaguna hore uga ambabaxeen magaalada iyaga oo aan wax heshiis ah gaarin.

Dhinaca kale, falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in fashilka wadahadalladan uu kordhin karo xiisadda gobolka, isla markaana uu saameyn ku yeelan karo dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dejiyo colaadda, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii xoogaysto haddii xal diblomaasiyadeed la waayo.

Read more

Local News