Friday, August 28, 2026

Hogaamiyaha Koonfurta Kuuriya Oo U Ambabaxay Booqasho Uu Ku Gaarayo India Iyo Vietnam

Share

Seoul, South Korea – Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Lee Jae Myung ayaa Axada manta ah u ambabaxay booqasho uu kugaarayo Hindiya iyo Vietnam si uu uga qayb galo wadahadallo shir madaxeed oo diiradda lagu saari doono xasilinta silsiladaha sahayda iyadoo ay jirto hubanti la’aanta suuqa tamarta adduunka ee ka dhalatay dagaalka Bariga Dhexe.

Madaxweyne Lee ayaa booqashada uu kugaarayo Hindiya Isniinta barito ah lafilayaa inuu wadahadalo layeesho ra’iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Kulanka Modi iyo Lee ayaa noqon doona kulankii saddexaad ee fool ka fool ah ee dhexmara Modi iyo Lee, ka dib wadahadallo ka dhacay dhinaca shirarka G7 iyo G20 sannadkii hore.

Wadahadallada ayaa la filayaa inay diiradda saaraan ballaarinta iskaashiga dhaqaale ee dhismaha maraakiibta, warshadaha badda, garaadka macmalka ah iyo meelaha difaaca, iyo sidoo kale isku dubaridka jawaabaha shakiga laga qabo silsiladda sahayda tamarta ee la xiriirta xaaladda Bariga Dhexe, sida uu Khamiistii sheegay La taliyaha Amniga Qaranka ee Seoul Wi Sung lac.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu ka qayb galo kulan ganacsi si loo sahamiyo fursado cusub loona taageero howlaha shirkadaha Kuuriya ee Hindiya.

Hogaamiyaha Kuuriyada Koonfureed ayaa la qorsheeyay inuu Talaadada u ambabaxo Hanoi, Vietnam, si uu booqasho rasmi ah u tago, isla markaana uu wadahadallo la yeesho To Lam, madaxweynaha Vietnam iyo xoghayaha guud ee Xisbiga Shuuciga.

Shir madaxeedkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga silsiladaha sahayda tamarta iyo macdanta muhiimka ah.

Booqashadan ayaa ka dhigi doonta Lee hogaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee u safra Vietnam tan iyo markii To Lam loo doortay madaxweynaha gobolka horraantii bishan.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Lee Jai ayaa lagu wadaa maalinimada Khamiista inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Vietnam Le Minh Hung, iyo Guddoomiyaha Golaha Qaranka Tran Thanh Man, iyo inuu ka qayb galo kulan ganacsi si loo sahamiyo siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

 

Read more

Local News