Home DIBADDA Meta Oo Shaqada Kajoojisay Shirkad Kenyan Ah

Meta Oo Shaqada Kajoojisay Shirkad Kenyan Ah

0

Nairobi, Kenya – Sama oo ah shirkad fadhigeedu yahay Nairobi oo Meta ay u dirtay shaqada dhexdhexaadinta macluumaadka iyo tababarka AI, ayaa Khamiistii ku dhawaaqday In Ka Badan 1,000 Shaqaale la eryay ka dib markii Meta ay joojisay qandaraaska ay la leheed.

Shirkada Meta ayaa joojisay la shaqaynta shirkada kenyaanka ah ee Sama, ka dib markii lagu eedeeyay shaqaalo daawanayay muuqaallo anshax xumo ah oo lagu duubay okyaalaha casriga ah ee Meta.

In ka badan 1,000 shaqaale ah oo mushahar yar qaata oo ku sugan Kenya ayaa si lama filaan ah shaqada uga eryay shirkada Sama oo ay qandaraas siisay Meta, taasoo ay sheegeen dadka u halgama xuquuqda aadanaha inay ahayd tallaabo naxdin leh oo muujinaysa khatarta shaqooyinka tignoolajiyada ee koonfurta adduunka.

Warbixinno bishii hore ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha Kenya ee ku lug lahaa sharraxaadda xogta la weydiistay inay daawadaan muuqaalada la duubay iyadoo la adeegsanayo okiyaalaha casriga ah ee Meta ee AI oo muujinaya dad suuliga isticmaalaya iyo muuqaalo kale oo anshax xumo ah.

Shaqaalaha la eryay, oo badankoodu ku lug lahaa tababarka AI, ayaa la siiyay ogeysiis lix maalmood ah, sida laga soo xigtay Oversight Lab, oo ah urur u dooda nidaaminta cadaaladda ah iyo geynta tignoolajiyada Afrika oo dhan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version