Friday, August 28, 2026

Cuba Oo Ku Adkaysatay In La Soo Afjaro Xayiraadda Mareykanku Saaray

Share

Havana, Cuba – Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cuba ayaa shaaca ka qaaday in wafdi dalkiisa ka socday ay dhawaan magaalada Havana kula yeesheen kulan masuuliyiin Mareykan ah, kaas oo lagaga hadlay arrimo ay ka mid tahay qaadista xayiraadda shidaalka ee saaran jasiiradda Cuba ee ku taal Badda Kariibiyaanka, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya labada dal.

Mas’uulka u qaabilsan arrimaha Mareykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cuba, Alejandro García del Toro, ayaa sheegay in labada dhinac aysan dejin wax waqti kama dambeys ah, isla markaana aan la isweydaarsan hanjabaado, kulankana uu ahaa mid lagu tilmaamay mid ixtiraam ku dhisan.

Wuxuu intaa ku daray in ujeeddada ugu weyn ee wafdiga Cuba ay ahayd qaadista xayiraadda tamarta, iyadoo wafdiga Cuba uu ka koobnaa masuuliyiin heer ku-xigeen wasiir arrimo dibadeed ah, halka dhinaca Mareykankana ay ka socdeen masuuliyiin la mid ah.

Sidoo kale, warbixin hore oo uu baahiyay Axios ayaa sheegtay in wafdi Mareykan ah oo sare uu booqday Cuba usbuucii hore, isla markaana Havana la siiyay waqti kooban oo ay ku hirgeliso isbeddello Mareykanku taageersan yahay ka hor inta aysan xaaladdu sii xumaan.

Kulanka labada dhinac ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Cuba iyo Mareykanka, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dhowaan ku hanjabay in Mareykanku la wareegi doono Cuba.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu ka wareegi doono arrinta Iran, isla markaana uu u jeesan doono Cuba, oo uu ku tilmaamay in si xun loo maamulay sanado badan.

Isagoo ka jawaabaya cadaadiska Mareykanka, Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel ayaa sheegay in dalkiisu uu si buuxda ugu diyaarsan yahay weerar suurtagal ah oo kaga yimaada Mareykanka, isagoo sidoo kale ballan qaaday in Cuba ay muujin doonto iska caabin adag oo aan la jebin karin.

Cadaadiska Mareykanka ee Cuba ayaa sii kordhay kadib howlgal militari oo Mareykanku ka fuliyay Venezuela 3 Janaayo 2026, kaas oo lagu xiray Madaxweynaha Nicolás Maduro iyo xaaskiisa, hawlgalkaas ayaa sababay in Cuba ay lumiso xulafadeeda ugu weyn ee siin jiray taageero, gaar ahaan shidaalka, iyadoo ay weli jirto xayiraad Mareykan ah oo Cuba saaran in ka badan 66 sano.

Read more

Local News