Lima, Peru – Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee dalka Peru ayaa ku dhawaaqay iscasilaadooda, iyaga oo ka hor yimid go’aanka madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, José María Balcázar, ee dib loogu dhigay heshiis militari oo qiimihiisu gaarayo 3.5 bilyan oo doolar, kaasoo lagu iibsanayay 24 diyaaradood oo nooca F-16 Fighting Falcon ah oo Mareykan ah.
Wasiirrada iscasilay ayaa caddeeyay in heshiiska horey loo saxiixay ay muhiim tahay in la ixtiraamo lana fuliyo, waxay ka digeen in dib u eegis lagu sameeyo xilligan ay dhaawici karto sumcadda Peru, gaar ahaan marka la eego kalsoonida ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah, maadaama ay keeni karto in dalka loo arko mid aan ku adkaysan heshiisyadiisa.
Is-casilaadahaan lama filaanka ah ayaa sii kordhiyay xasillooni darrada siyaasadeed ee dalka, xilli doorashooyinkii madaxtinimada ay hareeyeen muran, isla markaana la filayo wareeg labaad oo doorasho ah 7-da Juun, kadib markii la heli waaye musharax helay aqlabiyad buuxda.
Dhanka kale, madaxweyne ku-meel-gaarka ah Balcázar ayaa sheegay Talaadadii in go’aanka ku saabsan iibsiga diyaaradaha militari loo daayo dowladda cusub ee xilka la wareegi doonta bisha Luulyo, isaga oo caddeeyay inuusan doonayn iska hor imaad uu la galo United States, balse uu doonayo in lacagaha dadweynaha loo adeegsado wax ka qabashada baahiyaha bulsho.
Dhanka kale, Wasaaradda Dhaqaalaha ee Peru ayaa fiidnimadii Arbacada ku dhawaaqday in ay dirtay lacagtii ugu horreysay oo dhan 462 milyan oo doolar oo la siiyay shirkadda Lockheed Martin, iyadoo adkaysay in ilaalinta ballanqaadyada dalka ay tahay waajib aan laga dooran karin.
Sidoo kale, safiirka Mareykanka ee Peru, Bernardo Navarro, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku digay in aan lala gelin wadaxaajood si aan daacad ahayn oo lala yeesho Mareykanka, isagoo xusay inuu adeegsan doono dhammaan qalabka uu haysto si uu u difaaco danaha iyo amniga Mareykanka ee gobolka.

