Home DIBADDA Mareykanka Oo Muhaajiriin Ka Yimid Koonfurta Ameerika u Tarxiilay Congo

Mareykanka Oo Muhaajiriin Ka Yimid Koonfurta Ameerika u Tarxiilay Congo

0
Costa Rican authorities receive a flight carrying 25 people deported from the U.S., all nationals of third countries, under an agreement to accept such deportees, at the Juan Santamaria International Airport, near Alajuela, Costa Rica, April 11, 2026. REUTERS/Mayela Lopez

Washington, United States – Muhaajiriin oo ka yimid Koonfurta Ameerika, tiradooduna gaareyso 15 qof, ayaa Mareykanku u tarxiilay dalka DR Congo, iyagoo sheegay inay hadda la kulmayaan cadaadis lagu saarayo inay ku laabtaan dalalkooda hooyo, inkastoo ay ka walaacsan yihiin amnigooda.

Haweeney ka mid ah kooxdaas oo u dhalatay Colombia, isla markaana codsatay in aan magaceeda la shaacin cabsi ay ka qabto aargoosi, ayaa u sheegtay Reuters inay dareemayaan cadaadis lagu qasbayo inay ku noqdaan dalalkooda, iyadoon la siin wax xal dhab ah oo kale.

Kooxdan ayaa gaaray Congo usbuucii hore, kaddib heshiis muran badan dhaliyay oo u dhexeeya Mareykan iyo Congo, kaasoo oggolaanaya in muhaajiriin laga tarxiilay Mareykanka loo diro dal saddexaad.

Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xilka madaxweynenimo, Madaxweyne Donald Trump ayaa hirgeliyay siyaasado adag oo lagu xaddidayo Soogalootinka aan sharci haysan iyo lagu dedejinayo tarxiilka muhaajiriinta, xitaa kuwa leh sharciyo qaar.

Qaar ka mid ah dadka la tarxiilay ayaa sheegay in ay Mareykanka kaga soo baxsadeen cadaadis iyo dhibaatooyin dalalkooda ka jiray, isla markaana ay halkaas ka dalbadeen magangelyo sharci ah ka hor inta aan dib loo masaafurin.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version