Washington, United States – Wasaaradda Difaaca Mareykanka “Pentagon” ayaa ku dhawaaqday in Wasiirka Ciidamada Badda ee Mareykanka, John Phelan, xilka laga casilay, iyada oo aan la bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sababta ka dambeysa go’aankan lama filaanka ah.
Ka tagista Phelan ayaa imanaysa kaddib markii horraantii bishan xilka laga qaaday Taliyaha Guud ee Ciidanka Mareykanka, Randy George, iyo laba sarkaal sare, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha ka dhashay dagaalka ay hoggaaminayaan United States iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.
Afhayeenka Pentagon-ka, Sean Parnell, ayaa bayaan uu ku daabacay barta X ku sheegay in Phelan uu si degdeg ah uga tagayo maamulka, isaga oo intaas ku daray in si ku-meel-gaar ah xilkaas uu u qaban doono ku-xigeenka wasiirka, Hung Cao.
Washington – Warbaahinta CNN ayaa soo xigatay ilo xog-ogaal ah oo sheegay in Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, uu ka cadhooday xiriir toos ah oo uu Wasiirka Ciidamada Badda la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale tilmaamay in Hegseth uu aaminsanaa in wasiirkaasi dib u dhac ku jiro wax-qabadkiisa dhanka hirgelinta isbeddellada lagu dardargelinayo dhismaha maraakiibta, iyadoo xiisaddu u dhexeysay labada mas’uul ay socotay muddo bilo ah.
Laba ilo oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in sababaha xil ka qaadista John Phelan ay ka mid ahaayeen gaabis weyn oo ku yimid fulinta dib-u-habeynta lagu xoojinayo wax-soo-saarka maraakiibta, iyo khilaaf kala dhexeeyay hoggaanka sare ee Pentagon-ka.

