Home DIBADDA Yurub iyo Mareykanka Oo Ku Heshiiyay Sugidda Sahayda Macdanta

Yurub iyo Mareykanka Oo Ku Heshiiyay Sugidda Sahayda Macdanta

0

Washington, US – Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa saxiixay heshiis wadajir ah oo lagu wada abaabulayo sugidda sahayda macdanta naadirka ah ee muhiimka u ah qaybo istiraatiiji ah sida difaaca iyo tiknoolajiyada, iyadoo ay sii kordhayaan welwelka laga qabo awoodda ballaaran ee China ee saameynta ku leh qaybtaan muhiimka ah ee warshadaha casriga ah.

Heshiiska ayaa sidoo kale ka mid ah qorsheyaal lagu tixgelinayo in la dejiyo qiime ugu hooseeya oo macdanta naadirka ah, si looga hortago in dalal ama quwado waaweyn ay si aan cadaalad ahayn u saameeyaan suuqa iyo qiimaha caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo iskaashiga Midowga Yurub iyo Mareykanka, isla markaana lagu yareynayo ku tiirsanaanta hal dhinac ee sahayda kheyraadkan istiraatiijiga ah.

Heshiiska ayaa sidoo kale ka mid ah isku xirka siyaasadaha taageerada iyo kaydka istiraatiijiga ah, iyo in la sameeyo heerar mideysan oo fududeeya ganacsiga u dhexeeya dalalka reer galbeedka, iyadoo sidoo kale la sameynayo maalgelin wadajir ah oo lagu horumarinayo cilmi-baarista iyo horumarinta.

Heshiiskan ayaa loo arkaa mid iskaashi aan caadi ahayn oo dhex maray maamulka Madaxweyne Donald Trump iyo Midowga Yurub, xilli ay Mareykan si joogto ah u dhaleeceyso qaar ka mid ah siyaasadaha ururka, isla markaana Washington ay taageero siiso dhaqdhaqaaqyo midigta fog oo ka jira Yurub.

Heshiiska ayaa yimid xilli China ay soo rogtay xannibaado ku saabsan dhoofinta macdanta naadirka ah oo muhiim u ah warshado ay ka mid yihiin semiconductors, baytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya, iyo nidaamyada hubka, taasoo walaac weyn ku abuurtay reer galbeedka oo ka cabsi qaba amniga sahayda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version