Home DIBADDA Madaxweynaha Maldova Oo u Ambabaxday Ukraine Oo Ay Kaga Qeybgaleyso Sanadguurada Musiibada...

Madaxweynaha Maldova Oo u Ambabaxday Ukraine Oo Ay Kaga Qeybgaleyso Sanadguurada Musiibada Chernobyl 

0

Kiev, Ukraine – Madaxweynaha Moldova Maia Sandu ayaa Axada maanta ah sheegtay inay timid magaaladda Kyiv ee caasimadda Ukraine halkaas oo ay kaga qeyb galeyso munaasabado xusuus ah oo lagu xusayo sannad-guuradii 40-aad ee musiibadii Chernobyl, taasoo walxo shucaac ah ku dhufatay Yurub.​​​​​

Madaxweynaha Ukraine Volodymir Zelensky ayaa ku qaabilay caasimadda Kiev Mai Sandu madaxweynaha Maldova.

Mai Sandu ayaa wadahadalo layeelan doonto Zelensky sida ay ku daabacday mareegta ay kuleedahay Facebook.

Mai Sandu ayaa mahadcelin ujeedisay Volodymr Zelensky kadib soo dhaweyntii uu ugu sameeyay Kiev

Madaxweynaha Maldova Mai Sandu ayaa tiri “Saaka, annagoo u dabaaldegayna sannad-guuradii 40-aad ee musiibadii nukliyeerka Chernobyl, waxaan u aadayaa Kyiv si aan wadahadal ula yeesho Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, iyo Chernobyl si aan u maamuuso kuwa u huray caafimaadkooda ama xitaa naftooda si ay Yurub uga ilaaliyaan masiibo ka sii daran”.

Zelenskyy ayaa xusay in dagaalka socda ee Ruushka uu khataro dheeraad ah ku yahay badbaadada goobta, isagoo ku eedeeyay Moscow inay bartilmaameedsaneyso aagga weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Djanka kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in 26ka April ay tahay taariikh muhiim ah oo aan gaar u’aheyn oo keliya Ruushka, Belarus, iyo Ukraine, laakiin adduunka oo dhan ah.

Zakharova ayaa sidoo kale ku eedaysay Ukraine iyo xulafadeeda inay xaaladda ku xeeran warshadda nukliyeerka Chernobyl u adeegsanayaan qaab hanjabaad nukliyeer ah.

 

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version