Friday, August 28, 2026

Wasiirkii Difaaca Mali Oo Lagu Dilay Weeraro Is XigXigay Oo Ka Dacay Dalkaas

Share

Bamako, Mali – Wasiirka Difaaca Mali, Jeneraal Sadio Camara. ayaa la dilay intii lagu jiray weeraro isku xiran oo ka dhacay goobo milatari oo ku yaal dalka oo dhan,

Warka Axaddii ayaa yimid maalin ka dib markii gurigiisa oo ku yaal magaalada xerada ee Kati lagu weeraray weerarro isku mar ah oo ay qaadeen koox xiriir la leh al-Qaacida iyo fallaagada Tuareg.

Camara wuxuu ahaa shakhsi muhiim u ah dowladdii militariga ee xukunka la wareegtay ka dib afgambiyo isdaba joog ah sannadihii 2020 iyo 2021.

Sadio Camara ayaa ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saameynta badan hoggaanka militariga ee haya talada dalka Mali, waxaana dadka qaar u arkeen inuu noqon karo hoggaamiyaha mustaqbalka Mali.

Wariyaha Aljazera uga soo warama Mali Nicolas Haque ayaa sheegay in weeraryahannadu ay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen guriga Camara ee Kati, oo ah magaalo militari oo si xooggan loo xoojiyay oo qiyaastii 15km (9 mayl) waqooyi galbeed ka xigta caasimadda Bamako, halkaas oo uu ku nool yahay Madaxweynaha Ku-meelgaarka ah Assimi Goita.

Haque wariyaha Aljazera ee Mali ayaa intaa kudaray inuu noolyahay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Mali uuna kusuganyahay goob ammaan ah.

Rag hubeysan ayaa weeraray dhowr meelood oo kale oo ku yaal dalka Mali, oo ay ku jiraan Bamako, iyo sidoo kale Gao iyo Kidal oo ku yaal waqooyiga iyo magaalada bartamaha ee Sevare.

Weerarada kasoo cusboonaaday Mali ayaa waxaa cambaareeyay ururada ay kamidka yihiin midowga Afrika, Xoghayaha guud ee ururka Iskaashiga Islaamka iyo xafiiska arrimaha Africa ee Mareykanka.

Read more

Local News