Tehran, Iran – Dagaalka Mareykanka iyo Iran ayaa galay bishii labaad tan iyo markii uu bilowday 28 ka February, markaas oo Israel weerar kuqaaday Iran oo iyaduna saacado kadib bilowday weeraro aargudasho ah oo ay kageysaneyso dalalka Khaliijka gaar ahaan Sacuudiga, Imaaraatka, Qatar iyo Baxreyn.
Mareykanka oo garab siinaya Israel ayaa isguna xerooyinka uu kuleeyahay dalalka Khaliijka kala dagaalamay Iran iyadoo labadii maalmood ee ugu horeesay dagaalka Iran laga dilay hogaamihii Kacaanka Islaamiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, iyo saraakiil sarsare.
Dagaalka udhexeeyay Iran Mareykanka, iyo Israel ayaa halis galiyay isku socodka dhaqaalaha caalamka iyadoo ay baaqdeen kumanaan duulimaad oo kuwajahnaa Bariga Dhexe, garoonka Dubai oo ah mid aad umashquul badan ayaa noqday mid faaruq ah una nugul gantaalada iyo drones ka Iran muddo maalmo ah.
Dhanka kale Iran oo kajawaabeysa weerarada kaga imaanaya Mareykanka ayaa kudhawaaqday inay xirtay marin biyoodka Hormuz oo ah gacan ay maamusho kaas oo 20% uu maro ganacsiga caalamka, gaar ahaan shidaalka, iyo saliida.
Xirnaanshaha Marinka Hormuz ayaa saameyn kuyeeshay dhaqaalaha caalamka iyadoo ay xanibmeen maraakiib dhowr ah oo doonayay inay kagudbaan marinka, Iran ayaa maraakiibta isku dayay inay kagudbaan kuweerartay gantaalo.
Pakistan ayaa qaadatay door dhexdhexaadnimo kagadaal markii uu dagaalku socday waxkabadan bil iyadoo dadaal ugashay sidii loo gaari lahaa xal waara oo looga baaqsado sii socoshada dagaalka, iyadoo martigalisay laba wareeg oo wadahadalo ah oo ay isugu yi,aadeen madaxweyne kuxigeenka Mareykanka JD Vance, iyo gudoomiyaha baarlamaanka Iran.
Pakistan ayaa kuguuleysatay in Mareykanku kudhawaaqo xabadjoojin soconeysa muddo kooban wallow uu markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dib kakordhiyay waqtiga xabadjoojinta oo uusan cayimin.

