Beirut, Lebanon – Ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay geysatay fal uu ku tilmaamay mid aad u xun, kadib markii ay bartilmaameedsatay oo dishay shaqaale gurmad degdeg ah oo ka tirsan difaaca rayidka, kuwaas oo saddex ka mid ahi ay ku jireen shan qof oo ku dhintay duqeyn laba jeer ah oo Israa’iil ka fulisay koonfurta Lubnaan.
Laba weerar oo is xigay oo Israa’iil ku qaaday dhisme ku yaalla magaalada Majdal Zoun maalintii Talaadada ayaa sababay dhimashada shan qof, waxaana ku jiray saddex ka mid ah shaqaalaha gurmadka oo u gurmaday dadkii ku dhaawacmay weerarkii hore, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.
Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa sheegay in beegsiga shaqaalaha difaaca rayidka ee Majdal Zoun iyo dilkooda xilli ay gudanayeen waajibaadkooda bini’aadantinimo ay tahay dembi dagaal oo cusub oo ay Israa’iil gashay. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in falkani uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah mabaadi’da iyo xeerarka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.
Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay inay dadaal kasta u geli doonto cambaareynta falkaas, isla markaana ay u adeegsan doonto madalaha caalamiga ah si loo joojiyo xadgudubyada ay Israa’iil ku hayso heshiiska xabbad-joojinta.
Afhayeen u hadlay difaaca rayidka Lubnaan ayaa sheegay in saddexda shaqaale ee gurmadka ay markii hore ku hoos xayirmeen burburka ka dhashay weerarkii labaad, kadibna la xaqiijiyay inay ku dhinteen halkaas.
Ciidamada qalabka sida ee Lubnaan ayaa sidoo kale sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidankooda ay ku dhaawacmeen weerarkii labaad, kaas oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo, shaqaalaha gurmadka iyo laba gaari cagaf-cagaf oo rayid ah.
Wararka warbaahinta ayaa intaas ku daraya in ciidamada Israa’iil ay weerareen xiro militari oo Lubnaan ah, taas oo galbinaysay shaqaalaha difaaca rayidka ee ku jiray howl gurmad ah goobtii lagu weeraray markii hore.

