Vienna, Austria – Dalka Austria oo dhaca qaaradda Yurub ayaa ceyriyay saddex kamid ah diblomaasiyiinta Ruushka ee kahowlgala caasimadda Vienna ee Austria kuwaas oo lala xiriiriyay howlo basaasnimo ah.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay baaritaan lagu sameeyay kaabayaasha ilaalada ee la sheegay in lagu rakibay saqafka sare ee dhismayaasha diblomaasiyadeed ee Ruushka ee caasimadda Austria, oo la sheegay in loo isticmaalay in lagu qabto isgaarsiinta dayax-gacmeedka ee ururada caalamiga ah, sida ay Axaddii werisay warbaahinta dadweynaha ee Austria ORF.
Sida laga soo xigtay saraakiisha Austria, saddexda shakhsi ayaa looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen hawlo sirdoon oo la xiriira goobahan. Xukuumadda Vienna ayaa codsatay in xasaanadda diblomaasiyadeed laga qaado si loogu oggolaado dacwadaha sharciga ah, hase yeeshee Moscow ayaan ka jawaabin waqtiga loo cayimay.
Saddexda muwaadin ee Ruushiyaanka ah ayaa lagu dhawaaqay in aan la aqoonsanayn iyadoo loo jaray Persona non Grata waxayna tan iyo markaas ka tageen dalka Austria.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Austria Beate Meinl-Reisinger ayaa sheegtay in dawladdu qaadanayso “go’aan” ka dhan ah basaasnimada, iyadoo ku nuuxnuuxsatay “in aan la aqbali karin in xasaanadda diblomaasiyadeed loo isticmaalo basaasnimada.
Ceyrinta diblomaasiyiinta Raashiyaanka ah ayaa timid iyadoo la xoojiyay baaritaannada lagu hayo dhaqdhaqaaqyada Ruushka ee Vienna tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine. Hay’adaha sirdoonka Austria ayaa ka digay in hawlgallada noocaas ahi ay halis gelinayaan sumcadda caalamiga ah ee dalka.
Austria ayaa shaqada ka eriday 14 shaqaale diblomaasiyadeed oo Ruush ah tan iyo 2022, inkastoo ilaa 220 shaqaale ah ay weli ka tirsan yihiin xafiisyada Ruushka ee dalkaas.

