Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay kumideysanyihiin ra’iisulwasaareyaal hore, madaxweyne hore, murashaxiin utartamaya xilka madaxweynaha, iyo madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ay ku cadeynayaan inay diyaar uyihiin kaqaeybgalka kulan uu dalbaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 02 da bishan May dalbaday kulan uu layeelanayo golaha Mustaqbalka 10 ka May, kaas oo ay kaga wada arrinsanayaan arrimaha laxiriira doorashooyinka.
Golaha Mustaqbalka ayaa tan iyo markii uu soo baxay kulan casuumaada madaxweynaha galay kulamo ayaga dhexdhooda ah oo ay wax isaga weydiinayaan waxa lagudboon, iyagoo manta yeeshay kulan koodii ugu dambeeyay ee ay kaga go’aan qaadan lahaayeen gogosha uu madaxweynuhu ufidiyay.
Golaha Mustaqbalka ayaase shuruud kuxiray kaqeybgalka kulanka uu madaxweynuhu codsaday; Golaha ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay “In uu muujiyo daacadnimo dhab ah oo ku aaddan wadahadalka, joojiyana tallaabooyinka doorasho ee halka dhinac ah ee natiijadeeda la sii ogayahay, balse qof iyo cod ku magacaaban. 2. In la helo hannaan dhexdhexaadin madax-bannaan oo la isku raacsan yahay”.
Qoraalka kasoo baxay golaha Mustaqbalka ayaa intaa laraaciyay in goluhu si cad u adkaynayo in heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka la gaaro ka hor 15-ka May 2026 oo ku eg muddada xilka Madaxweynaha.
Golaha Mustaqbalka ayaa war qoraalka ay soo saareen kusoo gabagabeeyay in hadii ay dhici weydo sida ay codsadeen in iyaga oo shacabka lakaashan doona ay qaadi doonaan talaabooyin ay sheegeen in lagu badbaadinayo midnimada iyo jiritaanka dalka.
Kulamadii udambeeyay ee ay yeeshaan golaha Mustaqbalka ayaa lagu arkayay rag saaxiibo la’ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hase ahaate garabkiisa kabaxay dhawaanahan kuwaas oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo agaasimihii hore ee hay’adda nabadsugida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Muddo xileedka madaxweynaha ee afarta sano ah ayaa ah mid ay kaharsantahay 10 maalmood oo kaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardargalineysa qorsheeda ku’aadan qabashada doorasho Qof iyo Cod ah, iyadoo dhawaan uu gudiga doorashooyinka qaranka uu soo saaray jadwal doorasho oo ku asteysan qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada dowladgoboleedayada Galmudug Waqooyi Bari, Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle.

