Beijing, China – Wasiirka arrimaha dibadda ee Abbas Araghchi ayaa wadahadallo kula yeeshay magaalada Beijing dhiggiisa Shiinaha Wang Yi, xilli xiisad ay ka taagan tahay Maraykanka iyo Marinka muhiimka ah ee Hormuz. Safarkan oo hal maalin ah ayaa dhacay ka hor kulan la filayo inuu halkaas ku yeesho Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping bartamaha bisha May.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ee Xinhua ayaa xaqiijisay in kulanka uu bilowday, balse faahfaahin dheeraad ah lama bixin. Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee Araghchi uu ku tago Shiinaha tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran dabayaaqadii Febraayo.
Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa muujiyay rajada ah in Shiinaha uu ku cadaadin doono Iran inay dib u furto Marinka Hormuz, oo ah marin ay maraan sahayda shidaalka iyo gaaska caalamka. Xiritaanka marinkan ayaa sare u qaaday qiimaha shidaalka iyo bacriminta, isla markaana saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida.
Kulanka Beijing ayaa diiradda saaraya laba arrimood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah ilaalinta xabbad-joojinta iyo dib u furista marinka, Shiinaha ayaa dhaleeceeyay cunaqabateynta badda ee Maraykanku ku soo rogay dekedaha Iran, balse sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyay go’aanka Iran ee xiritaanka marinka muhiimka ah.
Dhanka kale, Trump ayaa hakiyay howlgal militari oo Maraykanku ku galbinayay maraakiib ku xanniban marinka, kadib dalabyo ka yimid Pakistan iyo dalal kale oo ku howlan dhexdhexaadinta, wadahadallo hore oo labada dhinac ku yeesheen Islamabad ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday, iyadoo khilaafku weli ka taagan yahay arrimaha nukliyeerka Iran iyo xakamaynta Marinka Hormuz.

