Home DIBADDA Iran Oo Dalbatay Shuruudo Culus Si Loo Joojiyo Dagaalka

Iran Oo Dalbatay Shuruudo Culus Si Loo Joojiyo Dagaalka

0

Tehran, Iran – Dowladda Iran ayaa Axaddii dirtay jawaabteeda ku aaddan qorshihii ugu dambeeyay ee Mareykanka ee lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka Iran, balse madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si degdeg ah u diiday jawaabtaasi, isagoo ku tilmaamay “mid aan gebi ahaanba la aqbali karin”.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Tehran ay diiday qorshaha Mareykanka maadaama uu u ekaa isdhiibid, iyadoo Iran ay dalbatay magdhow dagaal, in laga qaado cunaqabateynta, in la sii daayo hantideeda la xayiray, iyo inay si buuxda u maamusho Marinka Hormuz.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib weerarro diyaarado aan duuliye lahayn ay ka dhaceen dalalka Khaliijka, iyadoo Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Kuwait ay sheegeen in drones ay galeen hawadooda. Imaaraadka ayaa sheegay inay soo rideen laba drone oo ay Iran ku eedeeyeen.

Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay inay heegan buuxa u gashay difaaca xarumaheeda nukliyeerka, halka Mareykanka uu ku hanjabay inuu dib u bilaabi doono duqeymo xooggan haddii Tehran aysan aqbalin heshiis dib loogu furayo Marinka Hormuz iyo xaddididda mashruuceeda nukliyeerka.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalku uusan dhammaan doonin ilaa uranium-ka hodanka ah laga saaro Iran, halka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sheegay in Moscow ay weli diyaar u tahay inay dhexdhexaadiso xal laga gaaro colaadda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version