
Moscow, Russia – Xafiiska madaxtooyada Ruushka ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Vladimir Putin oo Talaadada booqasho laba maalmood ah ku tagi doono dalka Shiinaha, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.
Labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xaaladaha Ukraine iyo Iran. Kulamadan ayaa imaanaya kadib shir toddobaadkan dhex maray Xi Jinping iyo Donald Trump.
Madaxtooyada Ruushka ayaa sheegtay in safarka Putin uu ku soo beegmayo sanad-guurada 25-aad ee heshiiska saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya Ruushka iyo Shiinaha.
Putin ayaa sidoo kale la kulmi doona ra’iisul wasaaraha Shiinaha Li Qiang si ay uga wada hadlaan iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal.
Dhaqaalaha Ruushka ayaa wajahaya hoos u dhac la xiriira sicir-barar iyo dulsaarka sare, waxaana la rumeysan yahay in Putin uu doonayo inuu xoojiyo xiriirka dhaqaale ee Shiinaha si loo taageero dhaqaalaha dalkiisa.