Home Editor's Picks Mucaaradka Oo Markale Ku Baaqay Banaanbax Balaaran Oo Ka Dhan Ah Xukuumadda...

Mucaaradka Oo Markale Ku Baaqay Banaanbax Balaaran Oo Ka Dhan Ah Xukuumadda Madaxweynaha Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya – Qaar katirsan xubnaha kasoo horjeeda xukunka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta kulanka degdeg ah ku yeeshay magaaladda Muqdisho ayaa markale ku baaqay banaanbax kadhan ah xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradka ayaa iclaamiyay banaanabax ay kaga soo horjeedaan xukuumadda haysa talada dalka oo ay tilmaameen in ay si sharci darro ah kujoogto dalka.

Mucaaradka ayaa 04 ta June u mudeeyay inay noqoto maalinta uu dhacayo dibad baxa balaaran ee ay kaga soo hor jeedaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo uu horay ufashilmay ama aanu sidii ay rabeen u qabsoomin banaanbax ay horay ugu dhawaaqeen inuu dhacayo 1o kii Bishan May.

Dhanka kale todobaadkii hore waxaa magaaladda Muqdisho kulan ay garwadeen katahay beesha Caalamka ku dhex maray xukuumadda Soomaliya iyo Mucaaradka iyadoo ay kala matalayeen dhanka xukuumadda madaxweynaha, iyo ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka, halka mucaaradkuna ay matalayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, iyo hogaamiyaha maamulka Puntland.

Kulanka oo socday saddex maalmood dhowr fadhi oo fool ka fool ahna ay yeesheen labada dhinac ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday natiijo la’aan kagadaal markii uu dhinac walba ku adkeystay doodiisa, iyadoo hogaamiyaha Puntland Siciid Dani dib ugu laabtay magaaladii uu ka soo kicitamay ee Garoowe.

Qaramada Midoobey iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka lana muujiyo isu tanaasul.

Mucaaradka xukuumadda ayaa si weyn uga soo horjeeda hanaanka sharci ee ay ku joogto xukuumadu kagadaal markii uu dhamaaday muddo xileedkii afarta sano ahaa ee uu dhigayay dastuurkii 2012 ka,  halka Xukuumadda Federaalka ah ku doodeyso inay heysato muddo xileed shan sano ah oo uu u ogolaaday dastuurka cusub ee uu dalku yeeshay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version