London, Britain – Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain Yvette Cooper, ayaa Isniinta ku wajahan Shiinaha, ka hor inta aysan toddobaadka dambe u gudbin Hindiya.
Safarka ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin Marinka Hormuz, dagaalka Ruushka iyo Ukraine, iyo faafitaanka cudurka Ebola.
Dowladda Britain ayaa sheegtay in Cooper ay la kulmi doonto Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Shiinaha Han Zheng. Waxay sidoo kale booqan doontaa magaalada Shenzhen oo caan ku ah tiknoolajiyadda.
Safarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Britain iyo Shiinaha ay doonayaan inay xoojiyaan xiriirkooda dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo tiknoolajiyadda.
Kadib booqashada Shiinaha, Cooper ayaa u safri doonta Hindiya halkaas oo ay kula kulmi doonto Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya, Subrahmanyam Jaishankar, iyo masuuliyiin kale.
Britain ayaa sheegtay in kulamadan ay diiradda saari doonaan caqabadaha waaweyn ee caalamka, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo sare u kaca qiimaha shidaalka.

