Home DIBADDA Faransiiska Oo Qabtay Markab Cunaqabateyn Lagu Saaray Oo Ku Xiran Ruushka

Faransiiska Oo Qabtay Markab Cunaqabateyn Lagu Saaray Oo Ku Xiran Ruushka

0

Paris, France – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in ciidamada badda Faransiiska ay qabteen markab lagu magacaabo “Tagor” oo ka yimid Ruushka oo ku jiray cunaqabateyn caalami ah.

Macron ayaa sheegay in markabka laga qabtay badweynta Atlantic, isagoo xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay fulinta cunaqabateynta iyo ilaalinta shuruucda badda.

Waxa uu sheegay in howlgalka uu dhacay iyadoo lala kaashanayo dalal ay ka mid tahay Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana si buuxda loogu hoggaansamay sharciga badda.

Macron ayaa sheegay in Faransiisku uu ka go’an yahay fulinta cunaqabateynta caalamiga ah ee ka dhanka ah Ruushka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in maraakiibta jebiya xeerarka badda ay khatar ku yihiin amniga guud iyo deegaanka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version