Thursday, June 4, 2026

Weerarro Isdaba Joog Ah Oo Dhex Maray Mareykanka Iyo Iran

Share

Tehran, Iran – Mareykanka iyo Iran ayaa mar kale is weydaarsaday gantaallo iyo weerarro diyaarado aan duuliye lahayn, taasoo sii wiiqaysa dadaallada lagu doonayo xabbad-joojin cusub.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay gantaal ku beegsadeen markab shidaal oo isku dayay inuu ka gudbo xannibaadda uu Mareykanku saaray Marin Biyoodka Hormuz,
Sidoo kale waxay weerareen goobo militari oo ku yaalla jasiiradda Qeshm ee Iran.

Dhanka kale, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay inay gantaallo iyo diyaarado drone ah ku weerareen saldhigga Ciidamada Badda Mareykanka ee Bahrain, inkastoo Mareykanku uu beeniyay sheegashadaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu ka hortagay gantaallo iyo diyaarado drone ah oo lagu weeraray saldhigyadiisa ku yaalla Kuwait iyo Bahrain, iyadoo aan wax khasaare ah la soo sheegin.

Xiisaddan cusub ayaa imanaysa xilli wada-hadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran ay wajahayaan caqabado cusub, halka Iran ay ku hanjabtay inay hakineyso wadahadallada nabadda sababo la xiriira weerarrada Israa’iil ee Lubnaan.

Read more

Local News