Pyongyang, North Korea – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa booqasho ku tagi doona Waqooyiga Kuuriya todobaadka soo socda sida ay ku warantay warbaahinta dowladda Shiinaha ee Xinhua.
Booqashadan oo socon doonta laba maalmood oo Isniinta bilaabanaysa ayaa timid ka dib markii uu casuumaad ka helay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.
Xi Jinping iyo Kim Jon Un ayaa kulankoodii u dambeeyay ee September sanadkii ka dhacay Shiinaha markaas oo uu Kim uu ka qayb galay dhoolatus milatari oo ka dhacay Beijing si loogu xuso sannad-guuradii 80-aad ee Maalinta Guusha Shiinaha
Dhanka kale Xi Jinping ayaa booqashadiisii ugu horeesay ku tagay caasimadda Pyongyang ee Waqooyiga Kuuriya sanadkii 2019ka, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Shiinaha 2012ka, ka hor booqashada Xi majirin hogaamiye Shiinees ah oo tagay dalka Waqooyiga Kuuriya tan iyo sanadkii 2005ta.

Booqashada Xi Jinping ayaa ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ku soo beegmaysa kagadaal markii madaxda Mareykanka iyo Ruushka ay booqdeen caasimadda Beijing bishii lasoo dhaafay ee May.
Safarka Xi uu ku gaarayo Pyongyang ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu dibadda ugu baxo tan iyo sanadkaan 2026ka.
Xi Jinping ayaa horay u booqday Waqooyiga Kuuriya isagoo ah madaxweyne ku xigeenka Shiinaha sanadkii 2008da markaas oo uu Kim Kim Jong Il uu ahaa hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi.
Xi Jinping ayaa Beijing ku martiqaaday 17 hogaamiye tan iyo markii uu bilowday sanadkaan 2026ka, isagoo sidoo kale todobaadka soo socda qaabili doona dhigiisa Laos Thongloun Sisoulith.


