Washington, US – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo hoggaamiyaha Iran, Ayatollah Mojtaba Khamenei, haddii labada dal ay gaaraan heshiis.
Trump ayaa sheegay inuusan hadda doonayn kulan, balse haddii heshiis la gaaro ay suurtagal tahay inuu la kulmo hoggaamiyaha Iran.
Wuxuu sidoo kale sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee heshiis kasta uu noqon doono in Iran aysan yeelan hub nukliyeer ah.
Markii la weydiiyay waxa uu sameyn lahaa haddii Iran ay disho askar Mareykan ah oo ku sugan gobolka, Trump wuxuu sheegay in taasi ay noqon karto sabab uu si degdeg ah tallaabo militari u qaado.
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo Washington iyo Tehran ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo in xabbad-joojinta hadda jirta loo beddelo heshiis ballaaran kadib bilo ay socdeen dagaallo iyo xiisado u dhexeeyay labada dhinac.
