Beirut, Lebanon – Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi ayaa dhaleeceeyay Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun kadib hadallo uu ka sheegay doorka Iran ee Lubnaan.
Araghchi ayaa sheegay in hadalka Madaxweynaha Lubnaan uu siinayo faham khaldan oo ah in Iran ay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka ka jira dalkaas, isagoo diiday eedeymahaas.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Lubnaan aan loo adeegsan karin aalad gorgortan oo Iran ay uga faa’iidaysato wadaxaajoodyada caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrintaas aysan jirin isla markaana aan la aqbali karin.
Wasiirka Iran ayaa ugu baaqay hoggaanka Lubnaan inay diiradda saaraan waxa uu ku tilmaamay cadowga dhabta ah ee dalkaas, halkii ay eedda u jeedin lahaayeen Tehran.
Murankan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee u dhexeeya Beirut iyo Tehran ee ku saabsan xiisadaha Bariga Dhexe.

