Home DIBADDA Iiraan Oo Ka Jawaabtay Duqeymihii Mareykanka Ee Koonfurta Iran

Iiraan Oo Ka Jawaabtay Duqeymihii Mareykanka Ee Koonfurta Iran

0

Tehran, Iran – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay inuu weerarro aargoosi ah ku qaaday 21 bartilmaameed oo militari oo Mareykanku leeyahay oo ku yaalla saldhigyo ku kala yaalla gobolka, kadib duqeymo Mareykanku ka fuliyay koonfurta Iran.

Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay inay gantaallo ku burburisay afar bartilmaameed oo muhiim ah oo ku yaalla saldhigga Al-Azraq ee dalka Urdun, kuwaas oo ay ku sheegeen inay yihiin xarumo militari oo Mareykanku leeyahay, halka ay sidoo kale sheegtay inay drone ku weerartay saldhigga Ali Al Salem ee Kuwait.

Milatariga Urdun ayaa sheegay inay soo rideen shan gantaal oo lagu soo tuuray aagga Al-Azraq, iyadoo aan la soo sheegin khasaare naf ama hanti ah.

Ciidamada Iiraan ayaa sidoo kale sheegay inay soo rideen diyaarad nooca MQ-9 drone oo Mareykan leedahay oo dul maraysay koonfurta Iran ee gobolka Bushehr.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa hore u sheegay inuu fuliyay weerarro “is-difaac ah” oo lagu beegsaday nidaamyadaa difaca cirka Iiraan, iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordhayso kadib isweydaarsiga weerarrada labada dhinac.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version