BAYDHABO – Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo shalay loo doortay xilka hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed ayaa la wareegay maalin kadib doorashadiisa.
Aadan Madoobe oo kusoo baxay codad dhan 88 ayaa la wareegistiisa xafiiska ugu sareeya Koonfurgalbeed soo afmeereysa bilo Koonfurgalbeed ku jirtay qaban qaabo doorasho kagadaal markii 30 kii March ee sanadkaan meesha laga saaray nidaamka todobadii sano ee lasoo dhaafay ka arriminayay.
Hogaamiyihii ku meelgaarka Koonfurgalbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay xilka hogaamiyaha ladoortay.
Sheekh Aadan Madoobe oo hadlay kadib xilwareejinta ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira isku day iyo xoog xil ku raadinta isagoo sheegay inay soo dhamaatayin xoog wax lagu raadiyo.
Aadan Madoobe oo hadalka sii wata ayaa ka codsaday siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo odayaasha dhaqanka inay kashaqeeyaan nabada midnimada iyo dib u heshiisiinta bulshada.
La wareegida xilka hogaamiyaha maamulka ee Aadan Madoobe ayaa ka dhigan afmeerida bilo halgan loo galay qabashada doorashada Koonfurgalbeed.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa baneeyay kursiga gudoomiyaha Golaha Shacabka isagoo afartii sano ee lasoo dhaafay shirgudoominayay aqalka hoose ee baarlamaanka.

