Thursday, August 27, 2026

Cumar Cartan Oo Loo Xushay Dhex Dhexaadinta Super Cup Ka Qaaradda Yurub

Share

Salzburg, Austria –  Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabduqaadir Aadan Cartan oo dib looga soo celiyay dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu dhex dhexaadiyo koobka Super Cup ka qaaradda Yurub kaasoo 12 ka August ka dhici doono magaaladda Selzburg ee dalka Austria.

Cumar Cartan ayaa dhex dhexaadin doona ciyaarta u dhexeysa kooxaha PSG iyo Aston Villa.

Sida lagu daabacay mareegta Facebook ee UEFA Champions league Cartan ayaa loo xushay garsoorida xulalka Paris Saint Germany PSG iyo Aston Villa oo ciyaaraya kulanka Super Cup ka ah ee ay wada ciyaaraan kooxaha kusoo kala guuleysta horyaalaka Yurub iyo Championka.

Magacaabista Cumar Cartan ee dhex dhexaadinta labada kooxood ee PSG iyo Aston Villa ayaa ku soo beegmeysa iyadoo sabtidii todobaadkaan loo diiday inuu galo dalka Mareykanka isagoo laga soo celiyay garoonka diyaaradaha Miami isagoo kamid ahaa 52 garsoore oo dhex dhexaadinaya cayaaraha Koobka Adduunka ee caawa furmaya laguna ciyaarayo Mareykanka, Canada iyo Mexico, isagoo halkaas ku seegay ka qeybgalka Koobka Adduunka.

Cartan ayaa subaxnimadii shalay kasoo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo dad farabadan ku soo dhaweeyeen gudaha garoonka.

Cumar Cartan ayaa diidmadii galitaanka Mareykanka ka dhigtay mid si weyn uga soo muuqda shaashadaha caalamka iyadoo si weyn looga dhiidhinayo ka baajinta Koobka adduunka.

Cartan oo markuu soo dagay warbaahinta lahadlay ayaa sheegay inuusan niyad jabeyn siina wadi doono xirfadiisa sidoo kalana qeyb kanoqon doono garsoorashayaasha koobka adduunka ee 2030ka.

Read more

Local News