Thursday, August 27, 2026

Howlgal Wadajir Ah Oo Mareykanka Iyo Nigeria Ay Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Boko-Xaraam

Share

Abuja, Nigeria – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo ciidamada Nigeria ayaa sheegay inay in ka badan 200 xubnood oo ka tirsan Boko Haram iyo Daacish Galbeedka Afrika ku dileen howlgallo wadajir ah oo laga fuliyay waqooyi-bariga Nigeria.

Howlgaladan wadajirka ah ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inay xoojiyeen iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya Mareykanka iyo Nigeria, gaar ahaan sirdoonka, kormeerka iyo hawlgallada sahanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadaalladan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu doonayo in si joogto ah loo wiiqo awoodda kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala gobolka.

Afhayeenka Ciidamada Nigeria, Samaila Mohammed Uba, ayaa sheegay in weerarradu ay beegsadeen saldhigyo, xarumo saadka iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxaha hubeysan, taasoo si weyn u wiiqday awooddooda.

Nigeria ayaa muddo ka badan toban sano la daalaa-dhaceysay kacdoonada ay wadaan Boko Haram, kuwaas oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin kale.

Read more

Local News