Khartum, Sudan – Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay dileen tobannaan dagaalyahan oo ka tirsan maleeshiyaadka RSF ayna burburiyeen 141 gaadiid militari intii u dhexeysay 1-da iyo 14-ka Juun.
Ciidanka ayaa sheegay in howlgallo laga fuliyay furimo kala duwan ay khasaare weyn gaarsiiyeen RSF, oo ay ku jiraan burburinta gaadiid dagaal, bakhaarro hub iyo saanad militari.
Ciidanka ayaa sheegay inay Daarfuur ku burburiyeen 29 gaadiid dagaal oo ay lahayd RSF, isla markaana ay magaalada Nyala ku burburiyeen bakhaarro rasaas iyo shidaal.
Sidoo kale, waxay sheegeen in 91 gaadiid dagaal lagu burburiyay Kordofaan, halka diyaarad aan duuliye lahayn oo RSF leedahay lagu soo riday magaalada Kenana ee Gobolka Webiga Cad.
Dhanka kale ciidanka ayaa sheegay in hawlgal ay ka fuliyeen gobolka “Buluu Niyl” ay ku burburiyeen 21 gaadiid dagaal oo kale ayna gaarsiiyeen RSF khasaare kale oo dhinaca qalabka iyo ciidamada ah. RSF weli kama aysan hadlin sheegashadaas, iyadoo dagaalka labada dhinac uu socdo tan iyo Abriil 2023.

