Home DIBADDA Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran Oo Gaaray Caasimada Azerbaijan

Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran Oo Gaaray Caasimada Azerbaijan

0

Baku, Azerbaijan – Gudoomiyaha baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Qalibaf ayaa u ambabaxay magaaladda Baku ee caasimadda Azerbaijan Arbacada maanta ah isagoo halkaas uga qeybgali doona kalfadhiga 20 aad ee baarlamaanka ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmaya halkaas.

Intii uu socday kulan uu la yeeshay ku xigeenka afhayeenka Golaha Qaranka Azerbaijan, gudoomiyaha baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Qalibaf wuxuu sheegay inuu rajeynayo in shirka uu kordhin doono isku xirnaanta dalalka Islaamka.

Ku xigeenka afhayeenka Azerbaijan ayaa soo dhaweeyay dhammaadka geeddi socodka colaadda, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la dhiso nabadda.

Shirkan oo ka dhacay Baku laga bilaabo 22 ilaa 25 June, ayaa waxaa isugu yimid in ka badan 400 oo ergo, oo ay ku jiraan afhayeennada baarlamaanada iyo ku xigeenno ka kala socda in ka badan 40 waddan oo xubin ka ah.

Midowga baarlamaanada wadamada kamidka ah ururka Iskaashiga Islaamka ayaa la aas aasay sanadkii 1999 kii waxaana uu xarun u’ah caasimadda Tehran ee Iran waxa uuna ka kooban yahay 54 baarlamaan iyo 24 urur oo kormeerayaal ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version