Tobruk, Liibiya – Ugu yaraan 11 mayd oo tahriibayaal ah ayaa laga helay xeebaha magaalada Tobruk ee bariga Liibiya, kaddib markii doon ay la socdeen ay qaraqantay toddobaadkii hore, sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo amni.
Tirada guud ee maydadka la helay ayaa gaartay 26, halka tobanaan kale la rumeysan yahay in ay weli badda ku lumeen. Doontii shilka gashay ayaa la sheegay inay sidday ku dhowaad 61 qof, iyadoo 10 qof oo kaliya la badbaadiyay.
Maydadkii ugu horreeyay ee 15 ah ayaa hore looga helay xeebaha kala duwan ee Tobruk, oo u dhow xadka Masar kadibna la helay 11 kale.
Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in maydadka muddo dheer xeebaha yaalleen, taasoo sabab u ahayd in ay badankood ay aad u qudhmeen isla markaana isla maalinta la helo la aasayo si degdeg ah.
Liibiya ayaa noqotay marin muhiim ah oo ay isticmaalaan tahriibayaasha ka imanaya Afrika Saxaraha ka hooseeya, kuwaas oo halis u gala safarro badda iyo saxaraha si ay u gaaraan Yurub.

