Abu Dhabi, UAE – Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa Arbacada maanta ah lakulmay madaxweynaha Imaaraatka Carabta Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyan isagoo xaqiijiyay sida Mareykanka uga go’an tahay amniga dalka Khaliijka ka dib dagaalkii Iran, sida ay ku warantay CNN.
Rubio ayaa mahad celin u jeediyay hogaanka dowladda Imaaraatka iyo taageeradeeda aan lala barbardhigi karin, isagoo ammaanay geesinimada iyo adkeysiga ee ka dhanka ah weerarada Iran, xaqiijiyayna sida Mareykanka uga go’an yahay amniga Isu taga Imaaraatka Carabta.
Marco Rubio ayaa ka dhoofay Imaaraatka isagoo ku wajahan Baxreyn iyo Kuweyt ka hor inta aanu dib ugu laaban dalka Mareykanka.

