Baqdaad, Ciraaq – Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Cali Al-Zaidi ayaa sheegay in xiriirka dalkiisa iyo Mareykanka uu ka gudbayo dhinaca milateriga una wareegayo iskaashi dhaqaale oo ballaaran, iyadoo howlgalka isbahaysiga caalamiga ah ee uu hoggaamiyo Mareykanka ee la dagaallanka Daacish uu ku dhow yahay inuu dhammaado.
Al-Zaidi ayaa sheegay in marka ciidamada Mareykanka ay si buuxda uga baxaan Ciraaq aysan jiri doonin sabab loo sii wado wax iska caabin ah oo ka dhan ah joogitaankooda.
Wuxuu hadalkan sheegay ka hor booqasho la filayo inuu bisha soo socota ku tago Mareykanka si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Baqdaad iyo Washington ayaa bishii Sebtembar 2024 ku heshiiyay qorshe laba marxaladood ah oo lagu soo afjarayo howlgalka isbahaysiga ka dhanka ah Daacish, marxaladdii koowaad ayaa la soo gabagabeeyay bishii Janaayo, halka tan labaad ay socon doonto ilaa Sebtembar 2026.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in inta badan kooxaha hubeysan ee dalka ay bilaabeen inay hubkooda ku wareejiyaan dowladda, iyadoo xukuumaddu ay waddo dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo in hubka lagu koobo gacanta dowladda.

