Thursday, August 27, 2026

Dhulgariir Ka Dhacay Venezuela Oo Ay Ku Dhinteen Boqolaal Qof

Share

Caracas, Venezuela – Ugu yaraan 164 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 971 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib labo dhulgariir oo xooggan oo si isdaba joog ah uga dhuftay waqooyiga Venezuela, sida ay sheegtay ku-simaha madaxweynaha dalka Delcy Rodriguez.

Khubarada dhulgariirrada ayaa xaqiijiyay in dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.2 uu marka hore ku dhuftay meel u dhow magaalada San Felipe, halka 40 ilbiriqsi kadib uu xigay dhulgariir kale oo ka xoog badan oo gaaray 7.5, kaasoo ka dhacay agagaarka magaalada “Yumare”.

Dhulgariirka weyn ayaa noqday kii ugu xooganaa ee abid laga diiwaangeliyo Venezuela iyo kii ugu xooganaa ee dalkaas ku dhufta muddo ka badan 125 sano.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Mareykanka (USGS), dhulgariirka ayaa ka dhacay qoto dhan 10 kiiloomitir, iyadoo xaruntiisuna ku dhoweyd deegaanka xeebta ah ee “Moron”.

Gariirrada xooggan ayaa si weyn u ruxay caasimadda Caracas, halkaas oo dhismayaal badan ay burbureen.

Dowladda Venezuela ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, iyadoo kooxaha gurmadka ay sii wadaan raadinta dadka ku hoos jira burburka.

Venezuela ayaa wajahaysa hawl gurmad oo adag, iyadoo cabsi laga qabo in khasaaraha bani’aadannimo uu weli sii kordho.

Read more

Local News