
Damascus, Syria – Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeryooday halka 22 kalena ku dhaawacmeen qarax bam ah oo ka dhacay makhaayad ku taal bartamaha caasimadda Dimishiq, sida ay Wasaaradda Caafimaadka Siiriya u sheegtay Alikhbariah TV.
Ahmed Bakour, oo ah agaasimaha waaxda ambalaasta ee wasaaradda, ayaa u sheegay telefishanka in dhammaan dadkii dhaawacmay loo wareejiyay dhowr isbitaal oo ku yaal caasimadda Suuriya.
Qaraxa xooggan ayaa ka dhacay makhaayad ku taal waddada u tagta Suuqa taariikhiga ah ee Hamidiyeh, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan caasimadda Siiriya.
Sawirada lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur soo gaaray makhaayadda iyo dadkii dhaawacmay ee ku sugnaa agagaarka qaraxu ka dhacay.
Goobtan qaraxu ka dhacay ee ku taal caasimadda Siiriya ee Dimishiq ayaa ah mid aad u dad badan, xarunta maxkamadda waxaa maalin walba yimaada kumanaan qof.
22 ka qof ee dhaawacmay, qaarkood ayaa la sheegay inay qabaan dhaawacyo daran.
Majirto ilaa iyo hadda koox sheegatay qaraxa lala beegsaday bartamaha caasimadda Siiriya ee Dimishiq, halka la xaqiijiyay in baaris socoto.