MUQDISHO, SOOMAALIYA – Munaasabadda sanad guurada 66 aad ee kasoo wareegtay xornimadii gobolada Koonfureed iyo midowgii labada gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya oo magaaladda Muqdisho looga dabaal dagay.
Madaxweynaha, ra’iisulwasaaraha, ku xigeenada labada gudoomiye ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, taliyayaasha ciidamada kala duwan, iyo qaar kamid golaha wasiiradda ayaa goobjoog ka ahaa xuska munaasabadda oo kadhacay taalada Daljirka Daahsoon.
Madaxweynaha Soomaaliya oo uu garabkiisa taaganyahay taliya ciidanka Milatariga ayaa salaan kaqaatay qaar katirsan cutubyada ciidanka isagoo ubax dhigay taalada Daljirka Daahsoon.

Munaasabadda dabaal dagga oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay cududa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo ay halkaas kusoo bandhigeen gaardis dhammaanba ciidamada qalabka sida kuwaas oo kal ah ciidamada Milatariga, Booliska, Asluubta, Cirka, Dhulka, Badda, iyo Guutadda 77 aad ee ilaalisa madaxda qaranka, ciidamadan ayaa sidoo kale intii ay socotay munaasabada soo bandhigay cududooda xaga gaadiidka iyo hubka casriga ah ee ay haystaan.
Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa munaasabadda dabaaldagga kusoo bandhigay diyaaradaha dagaalka F-16 ee uu farsameeyo dalka Mareykanka oo ay dhawaan ka heshay dowladda dalka Turkiga.
Qaar kamid ah Safiiradda dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabadan lagu xusayay xoriyadii Koonfurta iyo Midowgii labada gobol ee Koonfur iyo Waqooyi.
Dhanka kale caasimadaha dalka ayaa iyaguna xusay maalinkan weyn; waxaana kamid ah magaalooyinka looga dabaaldagay Laascaanood, Baydhabo, Jowhar, Kismaayo iyo Garoowe.
Soomaaliya ayaa 66 sano kahor xornimadeed ka heshay gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talayaaniga iyadoo u madaxbanaanatay is maamulideeda kana baxday gacmihii gumeysiga.


