Home DIBADDA Tobanaan Qof Oo Ku Dhintay Weeraradii Ugu Dambeeyay Ee Ruushka Iyo Ukraine...

Tobanaan Qof Oo Ku Dhintay Weeraradii Ugu Dambeeyay Ee Ruushka Iyo Ukraine Isweydaarsadeen

0

Kyiv, Ukraine – Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay weerar gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Ruushku ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv, iyadoo howlaha gurmadka iyo raadinta wali socdaan.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa dhankooda sheegay in afar qof ay ku dhinteen weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, kuwaas oo beegsaday gobollo kala duwan oo gudaha Ruushka ah.

Ruushka ayaa sheegay inuu weeraray xarumo la xiriira warshadaha difaaca, tamarta iyo kaabayaasha militariga ee Kyiv iyo gobollo kale, isagoo ku tilmaamay weerarradaas jawaab u ah weerarrada Ukraine.

Kremlin-ka ayaa sheegay in dhammaan bartilmaameedyada la weeraray ay ahaayeen xarumo militari ama kuwa xiriir la leh ciidamada, isla markaana aan si ula kac ah loo beegsan goobaha rayidka.

Ukraine ayaa iyaduna sheegtay inay weerartay warshad sifeysa shidaalka oo ku taalla gobolka Nizhny Novgorod, bakhaar drones lagu keydiyo, buundo tareen iyo xarun talis oo Ruushku leeyahay.

Ciidanka Cirka Ukraine ayaa sheegay in Ruushku habeenkii adeegsaday 74 gantaal iyo 496 drone, iyadoo Kyiv ay ahayd bartilmaameedka ugu weyn, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin sheegashooyinka labada dhinac.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version