Havana, Cuba – Madaxweynaha Cuba, Miguel Díaz-Canel, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu iska caabiyo faragelin militari oo uga timaadda Mareykanka, isagoo xusay in shacabka Cuba ay difaaci doonaan madaxbannaanidooda.
Hadalkiisa ayaa yimid kadib hadallo uu jeediyay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo tilmaamay in Cuba ay “kusoo wajahan tahay” Mareykanka.
Díaz-Canel ayaa ku eedeeyay Washington inay waddo olole dacaayadeed iyo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah Cuba, isagoo sheegay in hadalladaasi ay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah.
Wuxuu sheegay in Cuba aysan doonayn dagaal, balse ay diyaar u tahay inay si mideysan uga jawaabto haddii la soo weeraro.
Madaxweynaha Cuba ayaa sidoo kale beeniyay eedeymaha sheegaya in dalkiisu martigeliyo saldhigyo militari oo ay leeyihiin Shiinaha ama Ruushka, isagoo cambaareeyay cunaqabateynta Mareykanka.
Inkastoo xiisaddu jirto, Díaz-Canel ayaa sheegay inuu weli u furan yahay wada hadal uu la yeesho Mareykanka, haddii lagu saleeyo ixtiraamka madaxbannaanida iyo nidaamka Cuba.
