Beijing, Shiinaha – Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, si loo xoojiyo xiriirka labada dal loona gaarsiiyo horumar waara oo muddo dheer sii socda.
Xi ayaa hadalkan ku sheegay farriin uu ugu jawaabay hambalyo uu Kim u diray munaasabadda sannad-guurada aas-aaska Xisbiga Shuuciga Shiinaha.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheegay in Xisbiga Shuuciga Shiinaha iyo Xisbiga Shaqaalaha Waqooyiga Kuuriya ay wadaagaan mabda’ isku mid ah, isla markaana ay sii xoojin doonaan iskaashiga labada dhinac.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo labada dal ay xusayaan 65 sano guuradii kasoo wareegtay heshiiska saaxiibtinimada, iskaashiga iyo is-caawinta ee ay kala saxiixdeen.
Xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa sii xoogeysanaya, kaddib booqashadii Madaxweyne Xi uu bishii Juun ku tagay Pyongyang, taasoo ahayd booqashadiisii ugu horreysay ee dalkaas muddo toddobo sano ah.

