Ankara, Turkey – Turkiga ayaa markii ugu horreysay martigelin doona Shir Madaxeedka ururka uu xubinta kayahay ee North Atlantic Treaty Organisation (NATO) muddo 22 sano ah isbuuca soo socda, iyadoo hoggaamiyeyaasha adduunka ay Ankara u imaan doonaan ka qeybgalka shirkaas, xilli ay sii kordhayaan caqabadaha amniga iyo in culayska la iska saaro isbahaysiga.
Turkiga ayaa magaaladda Istanbul ku martigaliyay shirka NATO sanadkii 2004ta oo laga joogo muddo 22 sano ah kaas oo noqday mid ka mid ah shirarka muhiimka ah ee isbeddelka isbahaysiga ka dib Dagaalkii Qaboobaa.
Meertada 36 aad ee shir madaxeedka NATO ee madaxda maamuladda iyo dowladaha ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaaladda caasimadda u’ah dalka Turkiga ee Ankara.
Shirkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah mustaqbalka isbahaysiga iyo qaabdhismeedka amniga adduunka ee ballaaran.
Shir Madaxeedka Ankara ayaa la filayaa inuu miisaanka diblomaasiyadeed ee Turkiga ka dhigo mid muuqda, kaliya uusan aheyn mid ku kooban isu imaatinka hoggaamiyeyaasha adduunka hase yeeshee uu yahay madal muujinaysa saameynta sii kordheysa ee Ankara ee NATO dhexdeeda.
Shirkan ayaa la filayaa inuu muujiyo ka qayb qaadashada militariga Turkiga, warshadaha difaaca, awoodda maaraynta dhibaatooyinka iyo heerka diblomaasiyadda hoggaamiyaha.
Shirka NATO ee Ankara ayaa lafilayaa inay isugu imaadaan hogaamiyeyaasha 32 da dal ee ururka ku mideysan oo uu ka midyahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo sidoo kale wasiiradda arrimaha dibadda iyo wasiiradda difaaca dalalkaas.
Shir madaxeedka ururka North Atlantic Treaty Organisation (NATO) ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa inay ka qeybgalaan waddamada Indo-Pacific ee Australia, Japan, New Zealand iyo Kuuriyada Koonfureed, kuwaasoo soo bandhigi doona ajendayaasha amniga ee Euro-Atlantic iyo Indo-Pacific.
